Suarez oo koox kale balan qaadey u sameysay

166

Ajax oo ka iibineysa Donny van de Beek kooxda Manchester United ayaa saameyn weyn ku yeelan karta Luis Suarez, sida laga soo xigtay Sport.

Van de Beek ayaa lagu wadaa inuu 40 milyan oo ginni ugu dhaqaaqo Old Trafford, ka dib markii kooxda Premier League ay heshiis la gaartay Ajax.

Agaasimaha Ajax ee kubada cagta, Marc Overmars, ayaa hada balan qaad u sameeyay kooxda Barcelona ee Luis Suarez wuxuuna wacad ku maray inuu lacagtan u isticmaali doono sidii uu ugu soo celin lahaa kooxda reer Holland.

Overmars ayaa ku rajo weyn in lacagta ay ka helaan iibka Van de Beek, ay maalgelin karto dhaqaajinta soo celinta Suarez, kaasoo aan boos ka heysan Camp Nou.

Xiddiga reer Uruguay ayaa u ciyaaray kooxda Ajax ka hor inta uuna u dhaqaaqin Liverpool.

Juventus ayaa sidoo kale isha ku heysa Suarez, kaasoo haatan lacag badan ugu fadhiya kooxda ka ciyaarta LaLiga.