Samuel Eto’o oo shil gaari galay

    45

    Weeraryahankii hore ee reer Cameroon, Samuel Eto’o, ayaa haatan xaaladdiisu wanaagsan tahay ka dib markii uu shil gaari ku galay agagaarka wadada Nkongsamba-Douala ee waddankiisa.

    Eto’o ayaa la sheegay inuu ka soo laabanayay xaflad aroos, markii gaarigiisa lagu dhuftay bas subaxnimadii Axada.

    In kasta oo gaariga gaarigiisa si xun waxyeello uga soo gaadhay xagga hore, haddana 39-jirkan ayaa isla markiiba loo qaaday cusbitaal, halkaas oo uu si fiican uga soo kabanayo.

    Sida laga soo xigtay majaladda France Football, Eto’o waxa uu dhaawac ka soo gaadhay madaxa oo wax naf ah kuma khasaarin shilkaas

    Eto’o wuxuu ku dhawaaqay inuu ka fariistay kubada cagta bishii Sebtember 2019 ka dib markii uu ciyaaray xirfadiisa ciyaareed oo qaadatay 22 sano.