Real Madrid ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo saxiixa Cavani

167

Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay la soo saxiixato Edinson Cavani, si ay ugu xalliso mashaakilkooda ku aadan goolka hortiisa, sida ay warinayso ESPN.

Cavani oo 33 jir ah ayaa ah wakiil xor ah kadib markii uu dhacay qandaraaskiisa Paris Saint-Germain bishii June.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Uruguay ayaa durbadiiba kala hadlay Juventus heshiiskiisa, waxaana uu doonayaa inuu ku laabto Italy, iyadoo carruurtiisa ay weli degan yihiin Naples.

Juve ayaa raadineysa bedelka Gonzalo Higuain ka dib markii ay joojiyeen qandaraaska laacibka reer Argentina wuxuuna ku biiray kooxda Inter Miami.

Madrid ma aysan raadineynin inay xoojiso kooxdeeda sababo la xiriira saameynta dhaqaale ee COVID-19, laakiin waxay haatan ka fiirsanayaan inay bedelaan mowqifkaas.

Si kastaba ha noqotee, ka hor inta aysan la soo wareegin Cavani, Los Blancos waxay marka hore u baahan doontaa inay bedesho qaar ka mid ah weeraryahannada kooxdooda, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.