Messi ayaan wali ku jira whatsapp Gurubka kooxda Barcelona

208

Lionel Messi ayaa weli ku jira wada sheekaysiga kooxda Barcelona ee ‘WhatsApp group chat’, inkasta oo uu weydiistay inuu ka tago kooxda xagaagan.

Tani waxaa shaaca ka qaaday saaxiibkiis, Frenkie de Jong.

De Jong ayaa sheegay in inta uu ka walwalsan yahay, Messi uu wali kamid yahay kooxda, xitaa hadii uusan qeyb ka aheyn bilowgii tababarka 2020/2021.

“Waxaan rajeynayaa in Messi uu wali halkaas joogo markii aan soo laabto, laakiin taasi maahan wax aniga igu xiran. Weli wuxuu ku jiraa wada hadalka kooxda, ”ayuu u sheegay Fox Sports.

“Ma ihi qof aan kala hadli karo arintaas, waxaan hubaa inuu dad badan oo hareerahiisa ka mid ahi ay samaynayaan maalmahan.”

De Jong ayaa kooxda Barcelona ugu soo biiray xagaagii la soo dhaafay isaga oo kaga soo biiray kooxda Ajax lacag dhan 42 milyan oo euro isaga oo kooxda u ciyaaray tartamada oo dhan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland ayaa laga yaabaa inuusan la safan doonin Messi xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo 33 jirkaan uu ku adkeysanayo inuu ka tagayo kooxda.