Kai Havertz oo maraya tijaabada caafimaadka iyadoo Chelsea oo jabisay rikoorkii suuqa kala iibsiga ee Ingiriiska

116

Kai Havertz ayaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda Chelsea, iyadoo kooxda ay ku dhow dahay inay kala soo wareegto Bayer Leverkusen, sida ay qortay BILD.

21 jirkaan ayaa la rumeysan yahay inuu dhameystiray tijaabada caafimaadka Axadii.

Labada naadi ayaa isku raacay heshiis £ 90million ah oo ay kula wareegeyso Havertz, kaasoo jabin doona rikoorka suuqa kala iibsiga ee Ingiriiska.

Chelsea ayaa bixin doonta initial 70m oo bilow ah iyadoo 20 milyan oo dheeri ah ku dari doonta xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka.

Havertz ayaa ku biiraya xiddigo ay ka mid yihiin Hakim Ziyech, Timo Werner, Ben Chilwell iyo Thiago Silva, kuwaas oo dhamaantood dhameystiray ku biiritaankooda kooxda Chelsea ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa si Rasmi ah u soo bandhigi doona Blues maalmaha soo socda.

Imaatinkiisa ayaa qaadaneysa qarash gareyntii Frank Lampard xagaagan ee la soo dhaafay £ 230.